Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo hub iyo saanad Milatari geysay GALMUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in hub iyo saanad Milatari  ay ka dajisay degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi oo aad u fara badan ay dowladdu doomo dheereeya ku geysay dekedda magaaladaasi, kuwaas oo hubka ka qaaday dekedda Muqdisho.

Sidoo kale wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in hubkaasi iyo saanada Milatari loogu tala galay ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ee ka howlgala Galmudug.

Lama oga sababta ah ay dowladda federaalka ay hubkan u geysay halkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in loogu tala galay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaaban doono gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Arrimahan waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo dhaq dhaqaaq siyaasadeed uu ka socdo magaalada Dhuusamareeb oo lagu qaban doono doorashada maamulka Galmudug.

Dowladda Soomaaliya oo dhowaan magacowday guddiga farsamada maamulkaasi ayaa wada qorshihii ugu dambeeyey ee dhismaha Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this