Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Soomow oo dalbaday in maxkamad la soo taago taliyaha Booliska Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed (Soomow) oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa eedeyn culus u jeediyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye.

Somow ayaa sheegay in muddo labo jeer ah ay is hortaag ay ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed, lagana celiyey illaa labo bar koontorool oo ku taalla isgosyada Sanca iyo Darjiinka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la xariiray taliyaha guud ee ciidanka Booliska, Maxamed Cabdi Xasan Xijaar, balse uusan waxba ka qaban cabashadiisa.

Sheekh Soomow ayaa xusay in taliyuhu markii uu la xariiray uu ku jees jeesay, sida uu hadalka u dhigay.

“Si jees jees ah oo kibir ku jiro ayuu ugu jiri anigoo ah taliyhii ciidanka Booliska miyaa isoo waceysaa jid ayaa iga xiran, waana ugu damiyey Taleefanka ayuu yiri” Soomow.

Waxa kale uu sheegay inuu ka baaqday xaflad Nikaax ah oo uu socday xilligaas, aadna uu uga xumaaday jawaabta uu kala kulmay taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu dalbanayo in maxkamad la so taago taliye Xijaar, si wax looga weydiiyo arrintaasi iyo dhibaatooyinka ka jira waddooyina Caasimada.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Sheekh-Cabdiqaadir-Soomow-.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this