Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay degmada Hodan ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka  Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Seybiyaano ay dil qorsheysan ugu geysteen Muuse Abuukar Maxamed Nuuroow oo ay tilmaamtay inuu ka tirsanaa ciidamada Bangaraafta Soomaaliya.

Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalka ay dishay uu la shaqeynayey ciidamada Mareykanka, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale ma jiro illaa wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amni darro oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this