Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo qarax lala eegtay

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ahaa Minada ayaa la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi waxa ay baahisay inay ku dhaawacday illaa labo ka tirsanaa ciidamadaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in qaraxan ay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Jabuutu, sida ay hadalka ay u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this