Deeq A. Posted October 20, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa Minada ayaa la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi waxa ay baahisay inay ku dhaawacday illaa labo ka tirsanaa ciidamadaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay in qaraxan ay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Jabuutu, sida ay hadalka ay u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites