Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya iyo Somalia oo sheegay dacwada ICJ inaysan hakin doonin xiriirkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirada maaliyada ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in muranka xuduuda badda ee udhaxeeya labada wadan uusan joojin doonin socodka gargaarka bini’aadanimo iyo ganacsiga.

C / raxmaan Ducaale Beileh iyo ku simaha Xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani ayaa hadalkaan ka sheegay shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ee ka socda Washington D.C.

Kenya oo kamid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururro badan oo gargaar siiya Soomaaliya, oo ka soo kabanaysa ku dhawaad 30 sano oo dagaal sokeeye ah.

In ka badan 250,000 oo qaxooti Soomaali iyo magangalyo-doon ah ayaa ku sugan Kenya, sida lagu sheegay xog ka soo baxday Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sanadkaan hay’addaha caalamiga ee wada shaqayntu kala dhexeyso ka dalbatay in shirarka arimaha binu’aadanimada ee lagu qaban jiray Kenya loo wareejiyo meelo kale, maadaama xidhiidhka labada waddan uu xun yahay.

PUNTLAND POST

The post Kenya iyo Somalia oo sheegay dacwada ICJ inaysan hakin doonin xiriirkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this