Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Mashruuc oo sharci darro weyn ku tilmaamay go’aan kasoo baxay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Senator Maxamuud Mashruuc oo katirsan senatorada Puntland u matala aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad kasoo baxday wasaaradda arimaha gudaha Puntland oo lagu mamnuucay in wax xafiis ah ay Puntland ka furtaan cid katirsan dowladda federalka.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmay kadib markii wasiirka qorshaynta Soomaaliya ahna xildhibaan katirsan barlamaanka aqalka hoose, Jamaal Maxamed Xasan uu xafiiska xiriirka bulshada ka furtay gobolka Sanaag.

Senator Mashruuc ayaa sheegay go’aankaan inuu hor imaanayo dastuurka Dawladda Federalka Soomaliya qodobkiisa 61aad farqadiisa 2aad oo qeexaysa waajibaadka iyo matalaada xildhibaanada.

“Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 ama in mudanahu ka fikir siyaasad duwan yahay xukuumadda Puntland looma adeegsan karo is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo deegaan doorashadooda,” ayuu yidhi Mashruuc.

Wuxuu ugu baaqay xukuumadda Puntland inay ka fogaato wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xasuusiyay in Puntland xubin ka tahay dawladaha xubnaha ka ah Dawaldda Federalka Soomaaliya ayna ku leedahay xubno matalaad.

HALKAAN HOOSE KA AQRISO GO’AANKA WASAARADDA

73342445_1210239485850730_74273006459184

PUNTLAND POST

The post Senator Mashruuc oo sharci darro weyn ku tilmaamay go’aan kasoo baxay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this