Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegatay in sarkaal sare ay ku dishay Muqdisho+Magaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil saacadihii la soo dhaafay  ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Saybiyaano ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Bangaraafta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay,Muuse Abuukar Maxamed Nuuroow, waxaana ay tilmaamtay inuu wada shaqeyn la lahaa ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in sarkaalkaasi uu AFRICOM u qaabilsanaa sahminta goobaha weerarada habeen dheelmadka ah lagu qaadayo ee gobolka Sh/Hoose

“Mujaahidiinta ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka Murtadiinta Bangaraafta wuxuu ahaa murtad cadowga ku hoggaamin jiray deegaanno katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this