Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo wadda qorshe ay Turkish iyo Eritrean ku beddelayaan AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladaha Turkiga iyo Ereteriya kala xaajooneyso sidii ay Taliyayaal ciidan ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya iyo Qalab lagula dagaalamo Al-Shabaab markii Ciidamada AMISOM ka baxan dalka Sanadka 2021.

Qorshahaan hadda ah mid laba geesood ah ayaa u baahan doono in ogolaansho looga helo Qaramada Midoobay oo leh amarka ah in Ciidamada AMISOM si tartiib tartiib ah looga saaro Soomaaliya inta ay Ciidamada Soomaaliya awood u yeelanayaan inay la wareegaan guud ahaan amniga Dalka.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ugu deeqday Malaayiin Dollar oo lagu maalgelinayey mashaariicda kaabayaasha  Dhaqaalaha sida  waddooyinka, isbitaalada, Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho iyo iskuulada halka Ereteriya, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ay dhawaan abuurteen waxa loo yaqaan Isbahaysiga Cushitic oo ah iskaashiga kobcinta arrimaha dhaqaalaha iyo amniga ee wadamada geeska Afrika.

Safiirka Turkiga ee Kenya Axmed Cemil Miroglo ayaa sheegay inuusan ka warqabin wadatashiga noocan oo kale ah wuxuuna codsaday in arrintaan wax laga waydiiyo safaaradooda Soomaaliya iyo Ereteriya.

Ereteriya ayaa sanadkii hore soo celisay xiriirkii ay la laheyd Soomaaliya kadib ku dhawaad 15 sano oo cadaawad kala dhaxeysay  markii lagu eedeeyey inay maalgeliso Kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto Ciidamada AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.

Haddii ay qorshaaan soo galaan Turkiga iyo Eritrea waxay noqon kartaa guul usoo hoyatay Soomaaliya maadaama AMISOM oo kaashaneyso deeq bixiyeyaasha ay ku guuldareysteen qorshihii ahaa inay tababaraan 30,000 oo askarta Soomaalida ah ka hor inta aysan dalka ka bixin, waxayna kaliya hadda tababar siiyeen 10,000 oo keliya..

“ Haddii Africa ku guuldareysato fikradda ah Africa ha xaliso dhibaatadeeda, Soomaaliya uma furno xal aan aheyn inay raadsato Turkiga iyo Eritrea ama dowladaha kale oo ay rabto” ayuu yiri Abdiwahab Sheikh Abdisamad oo ah qabiir ku takhasusay arrimaha Africa.

Dr  Abdisamad ayaa sheegay inay Al-Shabaab sii wadaan weli inay Ciidamada AMISOM u muujiyaan inay yihiin kuwa gumeystayaal ah oo aan aheyn kuwa dalka u joogo Nabad ilaalin.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this