Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaalad Deg-deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Caasimada Dalka Chile

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Chile)-Madaxweynaha Chile ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah uu ku soo rogay magaalada caasimada ah Santiago, waxaana uu ugu baaqay laamaha Millatariga inay qaataan mas’uuliyada Amniga.

1571485412fa2db.jpg


Arintaan ayaa timid kadib markii dibadbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen caasimada Chile taasi oo la xidhiidha sare u kac ku yimid qiimaha lagu raaco Gaadiidka gaar ahaan Tareenada.

Waxaan ku dhawaaqay xaalad deg deg ah si loo dhameeyo rabshada taagan waxaana u magacaabay taliyaha ciidanka difaaca Janaraal Javier Iturriaga del Campo, in ka taliyo sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada magaalada Santiago.

Ciidanka booliska iyo dibadbaxayaasha ayaa Jimcihii shalay is fara saaray waxaana arintaasi ay keentay in la xidho astaanada laga raaco Tareenada.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidanka gurmadka deg dega oo ku howlan damin dhismayaal dibadbaxayaasha dab Qabadsiiyeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this