Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Iskugu Xidhaya Saldhigyada Soomaaliya Iyo Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Wargeyska Indian Newsletter ayaa qoray warbixin ku saabsan qorsho ay Dowladda Mareykanka ku dooneyso inay isku xidho Saldhigyada ay ku leedahay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

gettyimages-929603392-1024x683.jpgU.S. Army Brigadier General William Zana (L), Deputy Commanding General for the Combined Joint Task Force – Horn of Africa, greets U.S. Secretary of State Rex Tillerson as he arrives for a briefing on Yemen at Camp Lemonnier, Djibouti, on March 9, 2018. Washington’s top diplomat began his first Africa tour Thursday by meeting with the African Union chief, who said the continent had moved on from a reported insult by President Donald Trump. / AFP PHOTO / POOL / JONATHAN ERNST (Photo credit should read JONATHAN ERNST/AFP/Getty Images)

Warbixinta uu qoray Wargeyska ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay isku xidheyso labada saldhig iyadoo taas loo marayo dhinaca Internetka.

Wargeyska ayaa sheegay in Mashruucaan la iskugu xidhayo saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnier ee Soomaaliya iyo Jabuuti la siiyey shirkad isgaadhsiineed oo laga leeyahay dalka dibadiisa.

Warbixintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Bishii January uu qoray Wargeyska Foreign Policy oo laga leeyahay dalka Mareykanka inuu Mareykanka qorsheenayo sidii loo sameyn lahaa jid dhinaca dhulka ah oo isku xidha labada Saldhig oo muhiim u ah howlaheeda Geeska Africa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this