Deeq A. Posted October 19, 2019 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay labo Qof oo dhinyaro ahaa loogu geystay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Illaa labo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa duleedka degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dhalinyarada la dilay ay wateen Mootada nooca loo yaqaano Fekonta. Lama oga sababta ay dhalinyaradaasi u dileen Al-Shabaab, mana jiro war ay ka soo sareen dhacdadaasi. Al-Shabaab oo weli ku xoogan Shabeelaha Hoose ayaa inta badan weeraro qorsheysan ka fuliya gudaha gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites