Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Tahay Sababta Warbaahinta Looga Mamnuucay Tabinta Wararka Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha shacabka ayaa maanta cusbooneysiiyey kalfadhigooda 6aad, iyaga oo ku kulmay aqal cusub oo dalka Turkiga uga hirgeliyey gudaha Villa Somalia. Arrintan ayaa timid kadib markii uu furay madaxweynaha 9kii bishan.

Saxaafadda ayaa loo diiday kulanka, dhammaan weriyeyaashii tagay goobta ayaa dibadda loo saaray, loona sheegay in aaney tabin karin wararka golaha shacabka.

Weriyaha Goobjoog News ee baarlamaanka ayaa soo sheegay in meeshu ciriiri tahay, bisha soo socota ay soo iibsan doonaan qalab duubis ah, loona soo diri doono warbaahinta.

Wadahadal ay dhinac badan galeen ayaa lagu guul-dareystay, waxaa ayna maamulka golaha shacabka ku adkeysanayaan in ilaa dhowr hey’adood keliya loo ogolaado.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this