Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar badan oo loo xiray dilka taliyihii ciidanka Gorgor

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in askar badan loo xiray shaqaaqadii lagu dilay taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya.

Qoraal ay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo xuseen soo dhigtay bateerda Twitter-ka ayey ku sheegtay in dhammaan gacanta lagu dhigay askartii ka dambeysay dilka Taliyihii ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in haatan ay baaritaano dheeraad ku socdaan ciidamadaasi.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Saleebaan, waxaana uu ahaa sarkaalkii hoggaaminayey howgalkii lagu qabtay degmada Awdheegle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this