Deeq A. Posted October 19, 2019 Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in askar badan loo xiray shaqaaqadii lagu dilay taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Soomaaliya. Qoraal ay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo xuseen soo dhigtay bateerda Twitter-ka ayey ku sheegtay in dhammaan gacanta lagu dhigay askartii ka dambeysay dilka Taliyihii ciidanka Gorgor ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Zakiya ayaa sheegtay in haatan ay baaritaano dheeraad ku socdaan ciidamadaasi. Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Saleebaan, waxaana uu ahaa sarkaalkii hoggaaminayey howgalkii lagu qabtay degmada Awdheegle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites