Deeq A. Posted October 19, 2019 Wariyeyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa soo tabiya wararka golaha shacabka. ayaa loo diiday kulamada golahaasi. Kulankii ugu horreeyey ee Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka oo maanta furmay ayaa Wariyeyaasha laga hor istaagay inay ka qeyb galaan, si ay uga soo warramaan halkaasi. Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka, Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku wargeliyey in hadda kadib aan loo ogolaan doonin in ay warar ka soo tabiyaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Wariyeyaasha ayaana intaasi kadib dib u soo laabtay xarunta Villa Hargeysa oo uu maanta ka dhacay kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Qaar ka mid ah Wariyeyaasha magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadaasi iyo sababta keentay in laga hor istaago kulamada baarlamaanka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/www-2.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites