Sign in to follow this  
Deeq A.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo ka hadlay xariga weriye Axmed Tallman

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, Maxamuud Xasan Aw-
Cismaan ayaa ka hadlay xariga weriye Axmed Sheikh Maxamed Tallman, oo ah agaasimihii hore ee Radio Daljir.

Tallmaan ayaa saakay loo dhaadhiciyay xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, labo maalin kahor markii ciidamada amnigu soo xireen.

Xeer ilaaliyaha oo maanta saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay Axmed Tallmaan in loo haysto dambiyo uu ka galay laamaha ammaanka Puntland, isagoo ku eedeeyay inuu si cad ugu xad gudbay sharciga.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay soo gabgaboobay baaristii kiiska loo haysay Tallman, islamarkaana guddiga gacanta ku haya baaristaan kiiskaan ay codsadeen in lasoo xiro Tallman.

Maalinta isniinta ah ayaa maxkamada la horkeenidoonaa weriye Tallman, si loo dhegaysto dambiyada lagusoo eedeeyay.

Saraakil ka socday xafiiska xuquuqul insaanka Puntland, ayaa xabsiga ku booqday weriyaha si ay hubiyaan inuu weriyuhu helay xaquuqdiisa dastuuriga sida qareen difaaca.

HALKAAN KA DAAWo XEER ILAALIYAHA.

PUNTLAND POST

The post Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo ka hadlay xariga weriye Axmed Tallman appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this