Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobo Xasaasi Ah Oo Laga Soo Saaray Colaadda Soomaalida Iyo Cafarta Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxaweynayaasha ismaamullada Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in heshiis rasmi ah laga gaadhay colaadda u dhexeysa labada shacab.

Itoobiya-1.png

Labada Madaxweyne oo si wadajir ula hadlay warbaahinta, kadib kulan ay la qaateen Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa waxa ay ku sheegeen in lagu heshiyeey in toddobo qodob oo looga hortagayo xiisadda labada dhinac.

Halkan hoose ka akhriso qodobada:

1- In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo.

2)-In dadka hubaysan laga kala fogeeyo aaggaas.

3- In ay khalad weyn oo qaranimada Itoobiya meel uga dhacay ay ku kaceen ismaamulka Canfarta markay warar ku tidhi ku teen ah ay ku baahiyeen saxaafada dalka.

4-In Degaamaynta cusub ee is-maamulada qaar ay wadaan ay joojiyaan

5-In saxaafada lagu daba galo faafinta wararka beenta ah isla markaana tallaabadooda ku haboon laga qaado.

6-In Ciidamada millateriga ay ilaaliyaan amniga iyo nabad qabka shacabka iyo xoolahooda.

7-In Canfartu ay soo celiso xoolaha ay ka dhacday shacabka dowlad deegaanka Soomaalida.

Colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Cafarta ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysatay, kadib weeraro lagu dad badan oo ay fuliyeen kooxo ka kala tirsan dhinacyadaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this