Sign in to follow this  
Deeq A.

20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in howlgal ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa laga soo xigtay in malayshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo gaari Caasi ah watay ay wadadda u galeen ciidamadu halkaasna ay ku dileen dhammaan xubnihii Al-shabaab ee gaariga saarnaa.

Sido kale guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay dileen ay ka furteen 18 qori gacmeed ah iyo rasaas isagoo guddoomiyaha intaas ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan saacadaha Soo aadan khasaaraha Al Shabaab iyo hubkii ay ka furteen.

Waxaa kale ooo guddoomiyaha degmada Jalalaqsi uu balanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka malayshiyaadka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST

The post 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this