Sign in to follow this  
Deeq A.

28 Qof Ayaa Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Masaajid Ku Yaalla Dalka Afghanistan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Afghanistan)-Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Afghanistan, xilli ay socotay salaaddi Jimcaha ee shalay, sida ay saraakiil sheegeen.

6C025437-E8CC-4733-BB38-474972E4B77C_cx0

Weerarkaasi ayaa imaanaya maalin un ka idb markii QM ay sheegtay in fowdada dalkaasi ka jirta ay gaadhey heer aan la aqbali karin.

Qaraxa, oo sida ay goob joogayaal sheegeen sababay in uu masjidka soo dumo, ayaa ka dhacay gobolka bariga ku yaalla ee Nangarhar, waxana ku dhaawacmay 55 qof oo kale, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay maamulka gobolka Attaullah Khogyani, oo AFP la hadlay.

Khogyani ayaa sheegay in dhammaan dadka dhintay ay masjidka u tageen inay salaadda khudbada ku soo dukadaan, gaar ahaan deegaanka Haska Mina oo 50 KM u jirta caasimadda gobolka ee Jalalabad.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo aan illaa iyo hadda la shaacin nooca uu ahaa.

Gobolka, ayaa waxaa a howl-gala kooxda Taliban iyo kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee Daacish .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this