Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Dambi Baadhista Yurub Oo Shaacisay Magacyada Haween Dambiy Halis Ah Galay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Hay’adda dambi badhista Yurub ee loo soo gaabiyo Europol ayaa xadhiga ka jartay olola muujinaya “Haweenka loogu doondoonista badan yahay “, kuwaasi oo lagu eedeeyay ama lagu helay dambiyo halis ah oo abaabulan.

109293585_37a8f8fc-f896-43d9-8271-006ccc

Barta ay Europol ku leedahay internetka ayaa lagu daabacay sawirada haweenkan wajiga uu daboolan yahay booliiskana ay ku raad joogaan.

Hay’adda dambi badhista Yurub ayaa sheegtay in ay doonayeen in ay bidhaamiyaan in haweenkan ay awoodaan sida ragga oo kale inay fulyaan dambiyo halis ah.

Inkastoo ay jiraan haween galay dambiyo halis ah hadana daraasadaha ayaa muujinaya in sida aqlabiyada ah dambiyada halista ah ay raggu geystaan.

Daraasad dhawaan ay soo saartay dowladda Britain lana daabacay ayaa muujinaysa in dambiyada waawayn inta badan ay ragga ku lug leeyihin.

Muxuu yahay ololaha hay’adda dambi badhista Yurub ee Europol?
21 qof oo hay’ado sheegtay in ay baxsad ku jiraan islamarkna ay baadigoobayaan ayaa 18 ka mid ah waxay yihiin dumar halka ay 3 oo kali ah yihiin rag.

Waxaa dambiilayashani ka mid Elena Puzyrevich,oo iyado gabadh 9 jir ah oo Ruushka u dhalatay u afduubtay Spain kuna qasabtay inay jirkeeda ka ganacsato.

Waxaa sidoo kale ka mid ah Angelina Sacjuka, oo iyadu loo haysto in sidii ay u garaacaysay ay dishay haween da’a yar 5 sano ka hor.

Claire Georges, oo ah afhayeenka Europol, ayaa sheegtay in ololahani uu yahay mid lagu donayo in sare loogu qaado fursadaha in gacanta lagu soo dhigo dadka dambiyada loo haysto ee baxsadka ku jira.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this