Deeq A. Posted October 19, 2019 Wararka ka imaanaya waqooyiga M/Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay koox Bistoolado ku hubeysan ay toogteen shaqaale ka mid ahaa wasaaradda Maaliyadda ee Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ragga dilka geystay ay ahaayeen illaa labo dhalinyaro ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xasan Cabdulle Hiraawe, iyadoona aygoobta isaga baxsadeen raggii dilay. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka howlgallo ka bilaabay halkaasi, kuwaas oo ay ku baadi goobayaan kooxda dilka fulisay. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay illaa 15 qof oo u badan dhalinyaro. Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoo ay howlgallo ka wadeen ciidamo isku dhafka ah ee loo sameeyey magaaladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites