Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Ajendaha Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulankoodii caadiga ah ku yeelanayaan xaruntooda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ay xildhibaannada yeelanayaan ayaa ah, hadaljeedinta guddoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Akhrinta Koowaad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiis ku aaddan ilaalinta Hidda dhaqameedka iyo midka dabiiciga ah.

Waa Kulankii Koowaad ee Kalfadhiga Lixaad ee golaha shacabka oo fasax ku jiray bilihii lasoo dhaafay.

Xildhibaanna golaha shacabka ayaa xalay loo diray ogeysiinta kulankan, iyadoo dhanka kale aad loo adkeeyey amniga xarunta golaha shacabka iyo nawaaxigeeda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this