Deeq A. Posted October 19, 2019 Maamulka demada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, kadib weerar ay ciidanka DFS ku qaadeen gaari ay la socdeen xubnahan la dilay. Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe), guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in 20 ka mid ah Al-shabaab la dilay, sidoo kalena ay kasoo furteen 18 qori iyo rasaas badan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay wadada xiriirisa Buulo-burde iyo degmada Jalalaqsi, ayna jidka u galeen gaari Homey ah oo ay saarnaayeen xubnahan Al-shabaabka ah. “Ciidamada howlgalkoodaan wuxuu ahaa mid qosheysan, waxaana jidka loo galay gaari Homey ah oo ay la socdeen Al-shabaab, waxaana kaga dilnay 20, hubna waan soo furannay” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Dabaashe ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-shabaab. Ururka Al-shabaab weli dhankiisa wax war ah kama aanu soo saarin dagaalyahannada la sheegay in laga diley iyo hubkan laga qabsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites