Sign in to follow this  
Deeq A.

Askartii toogatay taliyihii ciidanka Gorgor oo dhamaan la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen askartii ka dambeysa dilka Taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Somalia.

Zakiyo ayaa shaacisay in dhammaan xabsiga loo taxaabay ciidankii ku sugnaa kontoroolka uu dhibku ka dhacay, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay shacabka la soo wadaagi doonaan baaritaanka kiiskaas iyo wax ka soo baxa.

Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo lala toogtay askari ka tirsanaa ilaaladiisa.

Dilkan ayaa yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar Wayne gaari uu watay sarkaalka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in sarkaalka inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka.

Taliye Maxaadeey ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this