Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo laga baadi goobayo KENYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay gudaha dalkaasi ka baadi goobayaan hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shaabab.

Hoggaamiyaha la raadinayo ayaa waxaa sirdoonka Kenya ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Banaati, kaas oo ay tilmaameen inuu hoggaamiyo koox xiriir la leh Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Booliska Kenya ayaa ninkaasi ku eedeeyey inuu mas’uu ka ahaa qarax miino oo dhowaan ka dhacay meel ku dhow xuduuda Soomaaliya, kaas o lagu dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska dalkaasi.

“Baaritaanada la sameeyey ayaa muujiyey in Banaati uu madax u yahay Kooxda ka dambeysay qaraxii miino ee lagu dilay dhowaan 11-ka askari, kuwaas oo lala beegsaday, iyagoo ka soo tagey xerada HarHar Camp.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa ka dhacay deegaanka Degow oo dhaca waddada xiriirisa Libooya iyo Damajaale, xilli ay howlgal roondo ah ku jireen ciidankaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this