Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Netherland Oo Kulan Ku Yeeshay Washington

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Netherlands Wopke Hoekstra oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Wasiir Wopke Hoekstra oo caddeeyay in dowladda Netherlands ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka caawiso gaarista barta go’aanka deyn cafinta, ayaa hoggaanka dowladda ku bogaadiyay dadaalka ay Soomaaliya uhu jirto arrimaha deyn cafinta.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo doceedyo xariir ah oo maantaRa’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu Washington kula yeeshay wasiirro maaliyadeed madaxweynaha bangiga adduunka iyo mas’uuliyiin kale.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Netherland Oo Kulan Ku Yeeshay Washington appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this