Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Map oo si degdeg ah ugu baaqay in lasii daayo weriye Axmed Tallman

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Saxaafadda Puntland ee MAP. ayaa ku baaqay in si degdeg ah xoriyadiisa loogusoo celiyo weriye Axmed (Tallman) oo shalay lagu xiray magaalada Garowe.

Xarriga Axmed Tallman ayaa lala xirriirinayaa war ay baahisay idaacada Daljir oo ku saabsanaa in taliyaha booliiska Puntland Gen Muxidiin iyo ciidankiisu ay dil ugeysteen maxbuus Al-Shabaab ku eedeysanaa.

Tallmaan oo ahaa agaasimihii hore ee Daljir, ayaa qoraal uu dhawaan kusoo daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in xeer ilaaliyuhu isku dayey inuu kiiskaas hab sulux ah ku dhameeyo, balse taasi uu isagu diiday.

Xeer ilaaliyaha ayaa Talman ku amray inuusan Garowe ka bixin, tan iyo inta kiiskaan maxkamadu go’aan ka gaarayso.

PUNTLAND POST

The post Ururka Map oo si degdeg ah ugu baaqay in lasii daayo weriye Axmed Tallman appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this