Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa lagu waramayaa in ay dhaqdhaqaaq ciidan kawadaan qaybo kamid ah maamulkaas.

Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in ay askarta ay howlgalada kawadaan magaalooyinka waaweyn iyo daafahooda.

Saraakiisha ayaa sheegaya in howlgaladooda ay ku ugaarsanayaan shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo falal liddi ku ah Al-Shababa lagu tuhunsan yahay.

Warbixinadda ayaa qeexaya in howlgalada ay qaarkood muddo saacado ah hakad geliyeen isu socodka gaadiidka, wallow dib laga furay.

Dhowaan ayay ahayd markii magaaladda Jowhar lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga iyo siyaasadda, kaasoo Al-Shabaab ay sheegatay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this