Deeq A. Posted October 18, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa gaarey Dhuusamareeb. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno kale ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasimada dowlad goboleedka. Sabriye ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, wuxuuna shaaca ka qaaday in uu u tegay halkaas howlaha maamul dhisida. Dowladda ayaa mudooyinkii dambe waxayaad ugu mashquulsaneyd sidii Galmudug u noqon lahaa maamul middeysan oo loo dhan yahay dhismihiisa. Hoos ka daawo sawirada View the full article Share this post Link to post Share on other sites