Deeq A. Posted October 18, 2019 Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku raad-jooga dabley dil ka geystay gobolka Gal-gaduud. Howlgalada lagu ugaarsanayo shaqsiyaadka ayaa ka socda inta u dhaxeysa degaanadda Guriceel iyo Balanbale ee gobolkaas. Marxuumka oo habeenimadii Arbacadda la dilay ayaa lagu waramayaa in uu kamid ahaa dadka degaanka halkaas gaar ahaan Xoolo Dhaqato. Dhanka kale, ciidanka ayaa howlgalo ka dhan ah Isbaarooyinka iyo Dableyda waxay ka wadaan inta u dhaxeysa Mereer-guur iyo Godin-labe. Dhaqdhaqaaqyaddan ayaa kamid ah kuwa balaaran oo maalmihii dambe socday, kuwaasoo lagu sugayo nabad-gelyadda. Askarta howlgaladan wada ah kuwa ay dhowaan gobolkaas u daabushay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya si amniga loo xaqiijiyo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Cali-Gaab.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites