Deeq A. Posted October 18, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar] ayaa Kormeeray Isgooska fagax oo kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Karaan halkaas oo ah meel ay biyaha fadhiistaan xili roobaadka. Duqa Muqdisho ayaa faray labada Gudoomiye Kaaran iyo Yaaqshiid in wadadaan sida ugu dhaq siyaha badan laga bixiyo biyaha si ay u fududaato isku socodka Bulshada. Labada Gudoomiye oo fulinaya Amarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaay bilaabeen in ay ka shaqa bilaabaan Wadadaan oo ah wada halboole u ah shacabka iyo Gadiidka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Shabelle.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites