Deeq A. Posted October 18, 2019 Moscow (SMN) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la sheegayaa in uu shir isugu yeeray hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa lagu waramayaa in ay ku kulmi doonan magaaladda dalxiiska caanka ku ah ee Sochi. Sochi ayaa marti gelineysa 23-ka bishan shir ay kasoo qeybgalayaan hogaamiyeyaasha Afrika, kaasoo Ruushka uu ku marti qaadey. Sidda ay wararku tibaaxayaan, Putin ayaa doonaya in uu Muqdisho iyo Nairobi kala hadlo qaboojinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex-aloolsan. Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhex-taagan xurguf salka ku haysa dacwad dhanka badda ah oo hortaala Maxkamadda Cadaalada Dunida. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DF.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites