Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin oo shir isugu yeeraya Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Recommended Posts

Deeq A.   

Moscow (SMN) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la sheegayaa in uu shir isugu yeeray hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa lagu waramayaa in ay ku kulmi doonan magaaladda dalxiiska caanka ku ah ee Sochi.

Sochi ayaa marti gelineysa 23-ka bishan shir ay kasoo qeybgalayaan hogaamiyeyaasha Afrika, kaasoo Ruushka uu ku marti qaadey.

Sidda ay wararku tibaaxayaan, Putin ayaa doonaya in uu Muqdisho iyo Nairobi kala hadlo qaboojinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex-aloolsan.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhex-taagan xurguf salka ku haysa dacwad dhanka badda ah oo hortaala Maxkamadda Cadaalada Dunida.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DF.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this