Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo bilowday in ay lacag karfan ah u soo dirto dadka ay dili rabto

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weli weeraro xoogan iyo dilal qorsheysan ka fulisa Muqdisho oo laga saaray sanadkii 2011-kii, kadib dagaallo ka dhacay Caasimada.

Dilalka qorsheysan ee kooxdan fuliso ayaa waxaa inta badan ay la beegsataa xubnaha la shaqeeya dowladda iyo askarta ku sugan magaalada Muqdisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Al-Shabaab ayaa hadda bilowday qorshe cusub oo cabsi gelin ah, islamarkaana ay u adeegsaneyso dilalka qorsheysan ee ay geysato.

Qorshahan oo ah mid la yaab leh ayey dad badani ku abuurtay walaac xoogan, kadib lacag uga timid Al-Shabaab.

Lacagta oo u dhexeysa 10 illaa 20 Doller ayaa loo diray dadka qaar ay bartilmaameedsaneyso Al-Shabaab, iyada oo u sheegta inay tahay Karfantooda oo haddii ay disho lagu aasi lahaa.

Mid ka mid ah dadka loo diray lacagtan oo ahaa askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Miinashiibiyada ayaa horraantii todobaadkan waxa ay kooxdu ku toogatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumka ayaa Caasimada Online u sheegay in afar bil ka hor xubno ka tirsan Al-Shabaab ay la soo xariireen marxuumka, una soo direen lacag dhan 20 Doller, taas oo loogu sheegay inay tahay Karfantiisa.

Sidoo kale qaar ka mid ah ehellada oo naga codsaday in aan shaacin magacyadooda ayaa xusay in marxuumka uu isticmaalay lacagaasi, balse la dilay todobaadkan, isaga oo ku jira howlo canshuur uruurin ah, iyadoona ay goobta isaga baxsatay kooxdii dishay.

Xogta aan helnay kuma eka askarigaasi la dilay, waxaana jira askar kale oo Al-Shabaab ay la soo xiriirtay lacagana ay u soo dirtay.

Cali (oo aan qarinay magaciisa dhabta ah) oo ka tirsanaa ciidankii nabad sugida ee lagu biiriyey Booliska Soomaaliya ayaa inoo sheegay in markii uu ka tirsanaa NISA ay la soo xiriireen Al-Shabaab, uguna goydiyeen dil, haddii uu ka bixi waayo shaqado uu ka hayo hay’adda nabad sugida Soomaaliya.

Sidoo kale Cali ayaa inoo sheegay in markii uu go’aankiisa ku adkeystay loo soo diray lacag 10 Doller oo loogu sheegay inuu ku soo iibsado Karfantiisa, balse wuxuu tilmaamay in lacagtaasi isaga iyo saaxiibkiis ay Maqaayad uga cunteeyeen.

Ugu dambeyn Cali wuxuu carabka ku dhuftay inuu aaminsan yahay qadarta Alle, islamarkaana uusan ka baqaneyn Al-Shabaab, iskana difaaci doono.

Ujeedada ay arrintan ka leedahay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay tahay mid ay ku cabsi gelineyo dadka.

Al-Shabaab ayaa weli ah qatar jirta, iyadoona marar badan laga digay awooda kooxdan oo ku sii faafeysa meelo ka baxsan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this