Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Adduunka Oo Markii Labaad Dib U Dhigtay Dhageysiga Dacwada Badda Ee Soomaaliya Iyo Kenya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hague)-Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ ayaa markii labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

large.jpeg

Maxkamadda ICJ ayaa galabta go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12 ee Sannadka 2020-ka.

Sidoo kale Maxkamadda ICJ ayaa go’aankeeda ku caddeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga Maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa war qoraal ah bogiisa Facebook kusoo qoray ayaa shaaciyay in markii labaad dib loo dhigay Kiiska Badda ee Somalia iyo Kenya.

Go’aanka cusub ee dhageysiga dacwadda badda mar kale dib loogu dhigay ayaa yimid kadib markii ay Kenya mar labaad codsatay dib u dhigista.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this