Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo xirtay xarumo ganacsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa albaabada isugu dhufatay xarumo ganacsi oo ku yaala magaaladda Muqdisho.

Kamil Frocis oo qaab online ah ku shaqeysa ayaa xarumo ku lahayd Soobe, Suuq Bacaad iyo wadada Maka Al Mukarama, kuwaasoo la xiray.

Shirkadan ayaa howlaha ay qabato waxa uu yahay in ay lacago sarif ah isugu kala bedesho dadweynaha iyadda oo la isticmaalayo online-ka.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ay shaqadii ka joojisay shirkado kale oo lagu kala magacaabo Hubaal Tracings iyo Kulan Investment.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda oo lagu sharaxayo sababaha keenay in albaabadda loo laabo.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Xiray.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this