Sign in to follow this  
Deeq A.

ICJ oo mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ ayaa waxay mar kale dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysiga ayaa lagu wadday in uu qabsoomo 4-ta bisha November ee sanadkan, balse waxaa loo bedelay 12-ka June ee sanadka 2020-ka.

War qoraal ah oo kasoo baxay ICJ ayaa waxaa lagu sheegay in aysan mar kale dib u dhigis kale ku sameyn doonin gal-dacwadeedkan.

Xukuumadda Nairobi ayaa waxay ku guuldareystay codsi ku aadanaa in muddo hal sano ah dib loo dhigo dhageysiga kiiskan.

Dacwaddan ayaa ku saabsan sheegasho been abuur ah oo ay Kenya ku damcineyso qayb kamid ah biyaha Soomaaliya gaar ahaan xuduudka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this