Sign in to follow this  
Deeq A.

Muslimiin ku guda jiray gudashada Cumrada oo ku dhintay Shil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muslimiin ku guda jiray gudashada Cumrada oo ku dhintay ShilGoobta uu shilka ka dhacay

Goobta uu shilka ka dhacay

35 qof oo ajnabi ah ayaa ku dintay afar kalana way ku dhaawacmeen shil bas oo ka dhacay meel u dhaw magaalada barakeysan ee Madiina ee dalka Sacuudiga.

Baska ayaa waxa uu ku dhacay gaari ah nooca qaada xamuulka goobta lagu magacaabo xarunta al-Akhal Centre. Shilkan wuxuu dhacay shalay ,sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Rakaabka saarnaa Baska ayaa isugu jiray Carab iyo dad ka soo jeedia Aasiya oo ka soo safray magaalada Madiina kuna sii jeeday magaalada Makka halkaasi oo ay ku soo cumreysan rabeen.

Ma kala cadda ilaa iyo imika dalalka ay u kala dhasheen ,balse rai’sul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay “in uu aad uga naxay” warkaasi.

Barasaabka gobolka Madiina Faisal bin Salman Al Sacuud, ayaa sidoo kale ka tacsiiyeeyay geerida ka dhalatay shilkaasi.

5 qof oo ka badbaaday shilka ayaa loo qaaday isbataalka al-Hamna ee magaalada Madiina islamarkana waxay xukuumadda Sacuudiga bilawday baaritaano.

Sawiro lagu daabacay warbaahinta gudaha Sacudiga ayaa muujinaya gaariga Baska oo gubtay islamarka daaqadaha ay burbureen.

Wargeyska Okaz ayaa ku waramay in rakaabka Baskaasi ay gudanayeen cumrada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this