Deeq A. Posted October 17, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo kala duwan ay ka wadaan magaaladda Gaalkacyo. Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay markii shalay xarunta gobolka Mudug qarax Miino lagula eegtay taliyihii saldhiga bartamaha. Taliyaha ayaa ka badbaaday falkaas oo ka dhex-dhacay hoygiisa. Lama soo warin wax khasaaro ah oo ka dhashay falkaas. Xoogaga maamul goboleedkaas ayaa howlgaladooda waxay sheegeen in ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay weerarkaas. Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa kala maamula Puntland oo dhanka waqooyi ah iyo Galmudug oo dhanka koonfur ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Amni.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites