Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo howlgalo kawada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay howlgalo kala duwan ay ka wadaan magaaladda Gaalkacyo.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay markii shalay xarunta gobolka Mudug qarax Miino lagula eegtay taliyihii saldhiga bartamaha.

Taliyaha ayaa ka badbaaday falkaas oo ka dhex-dhacay hoygiisa. Lama soo warin wax khasaaro ah oo ka dhashay falkaas.

Xoogaga maamul goboleedkaas ayaa howlgaladooda waxay sheegeen in ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyay weerarkaas.

Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa kala maamula Puntland oo dhanka waqooyi ah iyo Galmudug oo dhanka koonfur ah.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Amni.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this