Deeq A. Posted October 17, 2019 Beled-xaawo (SMN) – Saraakiil ka tirsan sirdoonka maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu waramayaa in ay magaaladda Beled-xaawo ku afduubteen laba shaqsi. Laba qof oo ganacsato ah ayna kala baxeen hoygooda ayaa waxaa la sheegayaa in qaraabo dhow yihiin madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnaha afduubka geystay ayaa waxaa la sheegayaa in ay kasoo jeeda Beesha Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubbaland. Janan oo Muqdisho ku xiran ayaa waxaa loo haystaa in uu geystay dilal, waxaana si rasmi ah u bilaabatay maxkamadeyntiisa. Illo wareedyo ayaaa sheegaya in saraakiisha afduubka geystay ay shuruud kaga dhigeen sii deynta ganacsatadda in xorriyadiisa uu helo Janan. “Janan wuxuu xiran yahay Farmaajo,” ayaa laga soo xigtay saraakiisha oo ku dhaqaaqay fal ku cusub guud ahaan dalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Afduub.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites