Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul hore oo lasoo taagay Maxkaamdda Ciidamada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) oo ahaa guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ciidammada Qalabka Sida.

Xubnahan ayaa waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira qarax uu ku dhintay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, marxuum Cabdirashiid Cusmaan Carab.

Carab oo uu la dhintay sarkaal kale oo gaariga la saarnaa ayaa waxaa la qarxiyey bishii April ee sanadkan 2019. Weerarkaas waxaa dusha saaratay xarakada Al-Shabaab oo baraheeda Internet-ka ku baahisay.

Qaraxaas ayaa dhaliyey tuhuno kala duwan, waxaana ay sababtay in lasoo xiro labaddan ruux kadib baaritaano qoto dheer.

Dhageysiga kiiskooda ayaa socon doona maalmaha soo aadan, waxaana lagu wadaa in kadib xukun laga soo saaro.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigtay warbixino iyo caddeymaha, kuwaas oo kiiska horey u sii wadaya loona baahan yahay fadhiyo kale oo lagu dhageysto dhinacyadda ay ka dhaxeysa dooda galkan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this