Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo safiir cusub u magacowday Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay safiir cusub u magacowday dalka Koonfur Afrika, sidda ay xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay.

Danjiraha cusub, Maxamed Cali Nabadoonka ayaa wuxuu bedelayaa Jamaal Maxamed Barow kaasoo in muddo ah xafiiska joogay.

Nabadoonka ayaa wuxuu ku xigeeno u soo noqday Mr Barow iyo Sayid Shariif, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey South Africa.

Si lamid ah, Mr Nabadoonka ayaa wuxuu mar soo noqday qunsulkii Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ah dal muhiim u ah xiriirka arrimaha dibadda ee dalkeena.

Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali badan, kuwaas oo ku haysta ganacsiyo kala duwan, kuwaas oo la kulmay dilal iyo boob hantiyadeed.

Isbedelka ayaa kusoo aadaya iyadda oo xukuumadda federaalka ah ayaa dhowaan shaaca ka qaadey in ay dhisme u iibineyso safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this