Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo ka hadlay damaciisa doorashada 2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in uu iskusoo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada soo socota ee 2021.

Shariif Sheikh Aadan, oo haatan ah siyaasi madax bananan tan iyo markuu xilka ka dagay, ayaa wareysi uu siiyay Jubbaland Tv, wuxuu ku sheegay in dalka aysan xilligaan ka dhici karin doorasho dadweyne.

Wuxuu sheegay madaxda dowladda federalka in aysan waxba ka qaban amniga iyo dastuurka oo ahaa tilaabooyinkii loo baahnaa ee lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Shariifku wuxuu soo jeediyay in hadda heshiis la isku raacsan yahay laga gaaro sida ay noqonayso doorashada soo socota.

Wuxuu isagu xal u arkaa doorashooyinkii dadbanaa in dib loogu laabto.

Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka u dhaliisan xukuumada Villa Soomaaliya.

HALKAAN KA DAAWO

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii hore ee koonfur galbeed oo ka hadlay damaciisa doorashada 2021 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this