Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Holw-gallo lagu qabtay Shabaab badan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Howlgalloa ballaaran oo socday muddo laba maalmood ah ayaa si wanaagsan ugu qabsoomay ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada booliiska dowladda HirShabelle State.

Ciidamada ayaa ka billaabay howlgalka labada maalmood socday tuulooyinka hoos yimaada caasimadda HirShabelle State ee Jowhar illaa tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad.

“Sida aad ka war qabtaan dhawaanahaan kooxaha Kawaarijta ayaa kasoo hayaamay gulufkii dagaalka oo ay ku qaadeen ciidamada xoogga dalka qaybahooda kala duwan, taasoo sababtay in ay soo aadaan goblka Shabellaha Dhexe” waxaa sidaas yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey oo la-taliyaha dhinaca warbaahinta madaxweynaha HirShabelle.

Muudeey ayaa sheegay in dowladda federaaalka aysan la iman qorshe dhameystiran oo loogu talo-galay labada Shabelle oo cadaaladeysneeyn, taasoo sababtay in Shabaabkii ka cararay Shabeellaha Hoose ay fursad u helaan in ay gaaraan gobalka Shabellaha Dhexe, taasina ay tahay ayaan darrada keentay in Shabellaha Dhexe oo daris la ah Shabellaha Hoose ay ku bataan weerarada Al-Shabaab.

Taliyaha guud ee ciidamada booliiska dowladda HirShabelle State Colonel Xasan Dhicisoow iyo gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Ahmed Meyre Makaraan ayaa hoggaaminayey howlgallada qaadtay labada maalmood ee ka socda dhammaan tuulooyinka u dhaxeeya caasimadda HirShabelle State ee Jowhar iyo Balcad.

Waxaa howlgallada lagu soo qab qabtay qaar ka mid maleeshiyada Al-Shabaab oo gaaraya tobaneeyo, sida uu sheegay Muudey.

72570631_1426688657505169_60202051413978 73083915_630339837498896_451800210870789 72490371_2730231133870310_20682467756086 72703309_1614785835324487_72315884609376

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this