Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Turkiga Oo Qabsaday Kala-badh Magaalada Muhiimka Ah Ras Al-Ain

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Ras al-Ain)-Ciidamada Turkiga iyo xulufadooda Suuriya ayaa qabsaday dhul badan oo ka mid ah magaalada muhiimka ah ee Ras al-Ain, halkaasi oo dagaal-yahannada Kurdiyiinta ay iska cabin xoogan ka sameynayeen, waxaa sidaas sheegtay hay’ad la socota dagaallada Suuriya.

15E2C10B-7F32-426E-A0E8-A4CC60F1135F_cx0

“Duqeyn xooggan ayaa ku socotay Ras al-Ain saddexdii maalmood ee tagay,” waxaa sidaas yidhi Rami Abdel Rahman oo ah madaxa hay’adda fadhigeedu yahay Britain ee la socoshada xuquuqda aadanaha Suuriya.

Ciidammada Turkiga iyo dagaal-yahannada ay taageerayaan ee Carabta iyo Turkmen-ka Suuriya ayaa “la wareegay kala bar magaalada Ras al-Ain, sida uu sheegay Rami.

Ciidamada Kuridiyiinta ay hogaamiyaan ee koxoda SDF, oo ay ka awood badiyeen ciidammada Turkiga ee dhulka iyo cirka ayaa lumiyey dhul ballaadhan oo ku teedsan xuduudda Turkiga, tan iyo markii hawl-galka uu billowday 9-kii October.

Hase yeeshee, waxay daafac xooggan ka galeen magaalada Ras al-Ain, ayaga oo dhistay aagag dhulka hoostiisa ah oo adag, taasi oo awood u siisay in muddo toddobaad ah ay iska caabiyaan ciidamada Turkiga hoggaaminayo.

Si kastaba, iska caabintaas ayaa qarka u saaran inay soo geba gebowdo, ayada oo maanta ay ciidamada Turkiga gacanta ku hayaan bar ka mid ah magaalada.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this