Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiintii Maamulka Maxaas oo Maxkamad loo soo taagay qarax ay ku dileen Mas’uul

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, ayaa maanta waxaa ka soo hor muuqday masuuliyiintii hore ee Maamulka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo Shaqsiga kale oo lagu Magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa loo heystaa qarax lagu diley Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab,qaraxaas oo dhacay 19-kii Bishii april ee Sanadkaan 2019.

Qaraxii lagu dilay kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay xilligaas Ururka Al-Shabaab,hayeeshee Mas’uuliyiintaan loo xiray arrimo la xiriira tuhun.

Qaraxa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka dhacay gudaha Degmada Maxaas,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo ka mid ahaa ilaaladiisa.

Raggaan oo maalmahan ku xirnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah kiiskooda la guda galay, inkastoo ay jiri doonaan dhageysiga fadhiyo kale oo maxkamadda ku aadan.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waayahan dambe kordhisay shaqooyinka ay qabatay, waxaana maxkamadda la soo taagaa masuuliyiin kala duwan oo tuhunkooda yahay inay gacan saar la leeyihiin Shabaab ama ay ay ka qayb qaateen fal dambiyeedyo dhacay.

2-58.jpg 1-58.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this