Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Qof Oo Xalay Lagu Dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Faah-faahin ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay saddex qof ku dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxda dilka geystay ay baxsadeen.

muqdisho-696x392-1.jpg

Wararka ayaa sheegaya in saddexda qof ee la dilay ay ahaayeen dhalinyaro, waxayna saarnaayeen mootada labada lug leh ee loo yaqaano Feko.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in saddexda qof isku mar ay toogteen kooxo hubeysan, waxaana dilka uu ka dhacay agagaarka Baar ha i dhaafin.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhalinyaradan cidda ay ahaayeen, Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay ku tilmaamtay ragga ay dileen inay ahaayeen ciidanka dharcada loo yaqaan ee ka tirsan Nabadsugida.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha ammaanka oo ku aadan dilkan xalay ka dhacay degmada Waaberi, waxaana dilkan noqonayaa kii u horreeyay muddooyinkan ka dhaca Muqdisho oo hal meel lagu dilay saddex qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this