Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Ay Walaalo Yihiin Madaxweynaha IRAN Oo Xabsi Shan Sano Ah Lagu Xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Iran, Hassan Rouhani ayaa lagu soo warramayaa in uu u bilaamay shan sanno oo xadhig ah, kadib markii lagu helay dembi musuqmaasuq.

Ruuhaani.jpg

Qareenka Hossein Fereydoun, oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalkaas, la taliyena u ahaa ayaa sheegay in Hosseni uu maalin kahor galay xabsiga Evin ee Magaalada Tehran.

Ninkan ayaa lagu helay dembi ah in uu qaatay “laalush” bishii May ee sannadkan, markii lagu helay dembigaas na lagu xukumay toddobo sanno oo xadhig ah.

Hossein Fereydoun, ayaa dib ugu laabtay maxkamadda, si uu racfaan uga qaato kiiska, waxaana laga yareeyay xukunka oo lagu soo koobay shan sanno.

Hossein ayaa sidoo kale lagu amray in uu dowladda ku wareejiyo hantidii uu ku iibsaday lacagtii laalushka ahayd ee la sheegay in uu qaatay, waxaana sidoo kale loo raaciyay ganaax lacageed oo dhan 310 bilyan oo riyaal, taas oo u dhiganta 2.1 milyan oo doollar.

Fereydoun aya beeniyay in uu wax dembi ah galay, waxaana dadka taageersan siyaasadaha Madaxweynaha dalkaas oo ninkan ay walaalo yihiin ay shegeen in arrintan ay ka dambeeyaan dad mayal adag oo katirsan garsoorka dalka Iran, doonayana inay bahdilaan Madaxweyne Hassan Rouhani.

Hasayeeshee garsoorka dalkaas oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in aysan jirin arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha arrinkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this